Warar laga soo xigtay diblomaasiyiin Itoobiyaan ah ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya oo socdaal ku tegi doona dalka Itoobiya.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa tegaya Itoobiya Aarbcada soo socota ka hor inta aanu dhicin shirka London ee arrimaha Soomaaliya, waxaana la sheegay inuu casumaad ka helay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya.
Sida wakaalada wararka Turkiga kasoo xigatay diblomaasi Ethiopian ah wuxuu Farmaajo la kulmi doonaa Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, oo ay ka wadahadali doonaan xaaladda Soomaaliya, doorka Itoobiya iyo Shirka London.
Itoobiya ayaa dal ay ciidamo badan ka joogaan Soomaaliya oo saaxiibo la ah maamul goboleedyada dalka, waxaana la sheegay in Farmaajo ay qasab ku noqotay inuu ugu danbeyn tago Addis, taasoo ka danbeysay tallooyin diblomaasiyadeed oo la siiyay.
Xiriirka Itoobiya iyo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa ahaa mid liita, waxaana lagu wadaa in labada dhinac ay heshiisyo gaaraan, iyadoo Itoobiya ka mid tahay dalalka saameynta weyn ku leh xaaladda Soomaaliya.
Goojooge.com