Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu uga qeyb-galayo Shirka ay hoggaaminayso Qaramada Midoobey ee dalalka horumarkoodu hooseeyo.
Shirka Qaramada Midoobay ee Madasha Shanaad ee dalalka ugu horumarka yar dunida ayaa lagu casuumay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya madasha Doha.
Madaxtooyada soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u la kulmi doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qatar, isagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Dalalka ugu horumarka yar dunida ayaa ka kooban 46 dal oo 33 ka mida ay Afrikaan yihiin, waxaana lagu qabanayaa xarun weyn oo Qaramada Midoobay looga furay Magaalada Doha ee dalka Qatar.