Wednesday, July 16, 2025

Nabad-doon ka badbaaday qarax miino oo lagu khaarijin lahaa Muqdisho

Mid kamida odayaasha Dhaqanka ee ka mida Odayaasha 135 xubnood ee soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee 2016 ayaa ka badbaaday qarax loogu xiray gaarigiisa oo lagu doonayay in lagu khaarijiyo.

Nabadoonkan oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Qalinle ayaa falkan galabta lagula beegsaday degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir kadib markii miino loogu xiray gaarigiisa ay ku qaraxday isagoo aan markaasi la socon gaarigiisa.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Bishaar Bashiir Geedi ayaa sheegay in nabadoon Maxamed Xasan Qalinle u ka badbaaday qarax loogu xiray gaarigiisa.

Waa markii ugu horeysay ee la beegsado odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Baarlamaanka, waxayna dad badan dowladda federaalka ku dhaliilayaan inay liiska odayaashaasi saxaafadda ku shaaciso iyadoo aan awood u lahayn inay ammaankooda sugto.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON