Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay nabadoon dhinac ammaanka qaabilsanaa.
Koox hubeysan ayaa rasaas ku furtay gaari uu watay Cabeey Aadan Waalow oo ka mid ahaa odayaasha nabadoonada ah ee Gobolka Hiiraan, iyadoo dilka kadibna goobta ka baxsaday.
Nabadoonka ayaa markii ka dilay wuxuu ku mashquulsanaa qeybinta mucaawino ay Itoobiya geysay gobolka Hiiraan.
Dilka ayaa ka dhcay xaafadda Howlwadaag ee magaalda Beledweyne, waxaana nabadoonta lagu xusuustaa inuu qeyb weyn ka qaatay nabadeynta beelaha magaalada Beledweyne.
Dableyda dilka geystay oo la isku dayay in la qabto ayaa lagu guuldarreystay kadib markii ay bambo gacmeed ku soo tuureen askar daba socotay.
Goobjooge.com
Goobjooge.com