Wednesday, June 25, 2025

Nabaddoon Caan ah oo la dilay & Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Afgooye oo dagaal dhex maray

Wararka laga helayo gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in nabadoon caan ah lagu dilay degmada Afgooye.

Nabadoonka ayaa la sheegay inay toogasho ku dileen dabley bistoolado ku hubeysan oo goobta ka baxsaday markii ay dilka geysatay. Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Nabaddoon  Ibraahim Tabliiq.

Dhinaca kale waxaa degmada Afgooye iska hor imaad ku dhex maray Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Afgooye, kaasoo dhaliyay qasaare dhimash iyo dhaawac leh.

Dagaalkan ayaa dhex maray ciidamo kala taabacsan Qasnajiga Degmada Afgooye iyo Xisaabiyaha Degmada Afgooye ee maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii ay ku murmeem arrimo lacago canshuur ah.

Wararka ayaa sheegaya in qof ka mida shaqaalaha maamulka degmada uu ku dhintay iska hor imaadka dhex maray ilaalada labada mas’uul ee maamulka degmada Afgooye oo raacsan maamulka K/Galbeed.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Afgooye iyo kan Koofur Galbeed oo ku aadan Iska-horimaadka iyo Dhaca magaalada Afgooye ka dhacay, iyadoo xaalada amaandarro ee  degmada Afgooye ay kasii dareyso.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON