Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegay in weerar lagu qaaday Nabadoon caan ahaa oo ka mida isimada Puntland ee Gobolka Bari, xilli uu ku jiray masjid ku yaalla magaalada.
Nin Bistoolad ku hubeysan ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo kamid ahaa Isimada Puntland, waxaana falkani uu ka dhacay Masjidka Mubaarak ee Xaafadda Laanta Hawada magaalada Boosaaso xilli uu Masjidka ku sugayey Salaadii Jimcaha.
Wararkii ug danbeeyay ayaa sheegay in dilka Suldaan Bashiir ay si weyn uga naxeen dadka magaalada Boosaaso, waxaana baxsaday ninkii ka danbeeyay dilka.
Ciidamada Amniga magaalada Boosaaso ayaa howlgal amni ka sameeyay goobta uu weerarku ka dhacay ee lagu dhaawacay Suldaanka.

