Nabaddoonka Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa faahfaahin ka bixiyey fal lagula kacay oo looga hor istaagay inay tagaan magaalada Hargeysa oo shalay ay doonayeen inay tagaan.
Wuxuu sheegay in uu aad uga xun yahay in markii ay u duuli lahaayeen diyaaradii qaadi lahayd u sheegtay in lagu maray inaysan qaadi karin Odayaashaasi, ayna u socdeen arrimo dhaqan oo ku saabsan maxaabiis muddo dheer ku xiran xabsiyada Somaliand oo 7 sano xiran kadib markii ay dhammeysteen xabsiyadi lagu xuumay iyo fal dil ah oo maxbuus uu geysay oo ay wadeen Mag, iyadoo aanay jirin wax kale oo ay u socdeen, wax sahqo ahna ay ku lahayd arrimo siayasadeed.
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa ka codsady in maamulka Somaliland ay raaligelin ka bixiyaan, loona ogolaado howshii ay u socdeen, wuxuuna intaas ku daray inay hore u tegi jireen Hargeysa, arrimo dhaqan ahna kala macaamili jireen.
