Thursday, June 26, 2025

Nabaddoon Xarago oo xabsiga Boosaaso laga sii daayay iyadoo aan maxkamad la saarin

Waxa xabsiga Boosaaso maanta laga sii daayay nabaddoon C/qaadir Axmed Ibraahim (Xarrago) oo ah afhayeenka nabaddoonada gobolka Bari ee Puntland, kadib markii ciidamada Puntland ay xabsiga dhigeen 25 kii bishii February ee sanadkan.

Sii deynta nabaddoonka, ayaa waxa dadaal u galay nabaddoono kale iyo odayaal, sida ay goob joogayaal VOA u sheeganna, waxa maanta la hor geeyay maxkamadda darajada kowaad, halkaas oo ugu dambeyn loogu sheegey in uu xur yahay, iyadoo aan la maxkamadeyn.

Xarrago, ayaa la xirey kadib markii uu wareysi siiyay VOA dhammaadkii bishii tagtay ku sheegay in dhalinyaro loo haystay xiriir ay la leeyihiin Al-Shabab ay ka muuqatay jirdil, isla markaana uu ku baaqay in xukunkooda dib loo eego.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON