Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in nabadoon caan ahaa maqribnimadii caawa la dilay.
Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska Laba-dhagax ee degmada Wardhiigley, iyadoo ay baxsadeen dableydii falka dilka toogashada ah u geysatay.
Nabadon oo magaciisa lagu sheegay Shire Doongaale ayaa kooxo ku hubeysan bistoolado toogteen, wuxuuna ka mid ahaa nabadonadii wax kasoo doortay xildhibaanada dowladda Federaalka ee magaalada Cadaado.
Meydka nabadoonka ayaa goobta laga qaaday iyadoo ay gaareen ciidamada ammaanka oo baaritaan halkaas ka sameeyay.
Goobjooge.om