Tuesday, July 15, 2025

Nabadoon caan ah oo toogasho lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Mudisho ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay nabadoon caan ah.

Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska caanka ah ee Zoobe, Magaalada Muqdisho, waxaana dilka geystay kooxo hubeysan oo watay mid ka mid ah Gawaarida raaxada ah oo rasaas ku furay, waxaana nfalkaasi ku dhaawacmay oday kale oo la socday.

Nabadoonka la toogtay dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/laahi Axmed Rooble (Safaari), waxaana kooxihii dilka geystay ay ka baxsaadeen goobta uu falka ka dhacay.

Dilka loo geystay nabadoonka ayaa ahaa mid ka dhacay  meel ay ka dhow yihiin ciidamada dowladda, waxaana muddooyinkii danbe sii kordhay falalka lagu ugaarsanayo odayaasha dhaqanka xilligan doorashada lagu jiro.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON