Monday, June 23, 2025

Nabaddoon ka mida Salaadiinta Gobolka Mudug oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo.

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in caawa hakaasi lagu dilay nabadoon ka mida salaadiinta Gobolkaasi.

Dilka ayaa waxaa geystay dabley hubeysan oo rasaas ooda uga qaaday Suldan Cabdullaahi Suldaan Cabdiraxman oo ka mida ahaa saladiinta gobolka Mudug, waxayna ka baxsadeen goobta kadib markii ay dileen, iyadoo la dilay xilli uu kasoo baxay salaadii Cishaha kadib..

Suldaan Cabdullaahi Maxamed Aadan oo ka mid ahaa Nabadoonada Koofurta Gaalkacyo ayaa degaan ahaan kasoo jeeday Bacaadwayne oo ka tirsan Gobolka Mudug, waxaana dilkiisa uu saameyn weyn ku yeeshay magaalada Gaalkacyo.

Ad

Ciidamada amniga ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, waxaana la sheegay inaysan ku guuleysan qabashada raggii ka danbeeyay dilka Suldaanka oo ka mida dilal qorsheysan oo muddooyinkii danbe ka dhacayey Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON