Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in oday nabadoon ah toogasho lagu dilay.
Dilka ayaa ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in laba nin oo ku hubeysan Bistoolado ay toogteen nabadoon degmadaasi laga yaqaan, kadibna ay isku dayeen baxsadeen, balse ciidamada amniga oo goobta ka dhowaa ay rasaas ku fureen.
Labadii dabley ee falka geysatay ayaa la sheegay inay la dhaawacmay kadibna ay qabteen ciidamada ammaanka, waana markii ugu horeysay ee gacanta lagu dhigo kooxo falal khaarijin ah geystay.
Ciidamo dheeraad ah ayaa tegay goobta falku ka dhacay, iyadoo ay qaateen labadii dabley ee dhaawac ahaa.
Maamulka Degmada Wadajir ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Laba nin oo dhalinyaro, kuwaasoo galaba fal dil ah ka geystay degmadaasi.
Goobjooge.com