Wednesday, June 25, 2025

Nabadoon lagu dilay Xaafad ka tirsan Muqdisho & Dilalka khaarijinta ee Caasimadda oo faraha ka baxay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu dil kale oo khaarijin ah ka dhacay maanta degmada Howlwadaag iyadoo lagu dilay oday nabadoon ahaa.

Koox bistoolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay Nabadoon lagu Magacaabi jiray Xuseen Geeddi Jimcaale oo la sheegay inay rasaas ku fureen laba wiil, kadibna ay baxsadeen.

Dilka Nabadooonka ayaa ka dhacay xaafadda Cali Shire ee degmada H/wadaag, Gobolka Banaadir, xilli uu ku sugnaa hoygiisa, waxaana markii danbe goobta gaaray ciidamada amniga.

Allaha u naxariistee Nabadoon Xuseen Geeddi Jimcaale, ayaa la sheegay inuu horay u soo noqday Xildhibaan ka tirsanaa mid ka mid ah Baarlamaanadii dalka soo maray.

Dilalka khaarijinta ah ee ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa u muuqda kuwo faraha ka baxay oo dowladda Soomaaliya iyo hay’adaheeda amniga waxba ka qaban waayeen, iyadoo ay soo baxayaan baaqyo ah in dadku hubka qaataan oo is difaacaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON