Wednesday, June 25, 2025

Nabadoon lagu toogtay Degmada Afgooye & Guddoomiye maxkamad oo Toorey lagu dilay Muqdisho..

Wararka laga helauo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in koox hubeysan ay xalay halkaasi ku dishay nin Oday ah oo nabadoon ahaa.

Dabley ka kooban laba qof ayaa weerar ku qaaday nabadoon lagu magacaabi jiray Xasan Yuusuf Baani, iyagoo toogtay xaafadda Sagaalaad ee Degmada Afgooye xilli uu kasoo baxay masjid uu salaad ku tukaday, waxaana goobta ka baxsaday dableyda, kadib markii ay falkaasi geysteen.

Alshabaab ayaa si joogto Afgooye uga fulisa dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah odayaashada dhaqanka, waxaana degmada Afgooye dhowaan lagu dilay Nabaddoon kala oo lagu magacaabi jiray Cismaan Xaaji Qaasim, kaasoo ay Al-shabaab sheegatay dilkiisa.

Dhacdo kale ayaa xalay laga soo weriyey magaalada Muqdisho, kadib markii laba nin oo Mindiyo ku hubeysan ay weerar ku qaadeen Siciid Cumar Xasan (Zubeyr) oo la sheegay inuu ahaa guddoomiyaha maxkamadda Gobolka Sh/hoose.

Guddoomiyaha oo ku hubeysnaa Bistoolad ayaa dagaalamay wuxuuna dhaawac u geystay mid ka mida raggii weerarka Tooreyda ku qaaday, waxaana dhaawacyo kasoo gaaray weerarkaasi u dhintay Siciid Cumar iyo mid ka mida raggii weerarka ku qaaday, iyadoo aan la ogeyn sababta weerarka iyo waxa ay ahaayeen ragga weerarka qaaday.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON