Nin Soomaali ah oo muddo ku dhow 30 sano ka maqnaa dalka ayaa ka mid noqday dadkii ku geeriyooday Weerarki AlLshabaab ee Hotel Xayaat 20-kii Ogost 2022.
Marxuum C/qaadir Maxamed Cali oo muddo 27 sano ka maqnaa dibadda, ahaana ganacsade ku nool dalka South Africa ayaa ayaa markii uu dib ugu laabtay magaalada Muqdisho la kulmay geerida naxdinta leh.
C/qaadir ayaa lagu waayay weerarkii Hotel Xayaat, waxaana meydkiisa laga helay Gudaha Hotelka laba maalmood kadib, iyadoo la sheegay inuu u dhintay rasaas laabta uga dhacday oo si toos ah loola beegsaday.
Allaha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Cali oo ahaa nin dhalinyaro ah muddo dheer ay ugu danbeysay dalkiisa ayaa Muqdisho u yimid inuu soo booqdo waalidkiis iyo walaalihiis, isagoo ahaa ninka gacanta ku haya.
Dr. Ayaan Maxamed Cali oo ay walaalo yihiin Abdulqaadir Maxamed Cali ayaa VOA uga warrantay sida geeridaasi u dhacday iyo in laba walaallo la ahaa oo meydkiisa soo qaaday shoog qaadeen, midkoodna uu koomo galay.
