Sunday, June 22, 2025

Nin ay Booliska Muqdisho u xireen dhaqan-xumo oo Dood ka dhaliyay Baraha Bulshada

Taliska Ciidanka Booliiska ee Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay inuu xabsiga dhigay nin dhallinyarro ah oo lagu eedeeyay inuu dhaqan xumo ka waday Baraha bulshada.

Ninkan oo dood badan ka dhaliyay Baraha Bulshada ayaa xarigiisu yimid, markii laga shakiyey hab-dhaqankiisa uu dadka kula wadaago bartiisa Tiktok, wuxuuna muddooyinkii danbe qof xaaladiisa lagu murmo.

Waxaa lagu magacaabaa Ashraf Cali Nuur Sahal, sida lagu sheegay war ay Booliska kasoo saareen xarigiisa. ”Ciidanka booliiska Soomaliyeed ayaa soo xiray eedeysane Ashraf Cali Nuur Sahal 24 jir ah kuna eedeysan anshaxdaro. Ciidanka booliiska Soomaaliyeed waxa ay u taagan yihiin wax ka qabashada fal-kasta oo wax u dhibaya dhaqankeena suuban iyo diinteena sharafta leh”

Ad

Wararka ayaa sheegaya in laga qabtay Garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho, xilli la sheegay inuu kusii socday qeybta Xalane ee Ajnabiga degaan.
Wuxuu caadiyan baahin jiray muuqaallo aan caadi ahayn oo ku saabsan sida ragga jirkooda u daryeeli karaan, wuxuuna is muujiyey marar badan isagoo lacago badan sita oo ka adeegamaya suuqyada Muqdisho.

Dhaqan-xumada lagu eedeeyay waxaa beeniyay Hooyadiis oo warbaahinta ka hadashay, balse Booliska ayaa wada baaritaan, waxaana la filayaa in maxkamad la soo taago ama la sii daayo”.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON