Ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir ayaa qabtay Nin ka tirsan dableyda Al-Shabaab, kaasoo Bam Gacmeed ku weerarray ciidamada Amniga ee ku sugnaa bar Koontrol oo ku yaalla degmada Yaaqshiid.
Qaraxa Bamka ayaa geystay qasaare, waxana ku dhintay askari ka tirsan ciidamada Booliska, iyadoo markaas kadib ay ciidamada dabagaleen ninkaasi, waxaana u suuragalay inay gacanta ku soo dhigaan.
Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca Amniga ee maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ninkii Qaraxa ka danbeeyay gacanta lagu soo dhigay markii qarax ku dilay mid ka mida askarta amniga.
Alshabaab ayaa bishan Ramadaan sii kordhiyey weerarrada Bam gacmeedyada ah ee ay ku qaadayaan baraha ciidamada Amniga, siiba degmooyinka Shibis, Yaaqshiid iyo Boondheere.