Sunday, June 22, 2025

Nin Bistoolad ku hubeysan oo rasaas ku riday dhalinyaro banaanbax waday & C/raxman C/shakur oo ka hadlay

Waxaa maanta baraha bulshada qabsaday Nin shacab ah oo Bistoolad ku hubeysan, kaasoo rasaas kor ugu riday dhowr qof oo bannaanbax looga horjeedo Madaxweyne Farmaajo ka bilaabayey agagaarka Isoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa handaday dhaliyaro kooban oo hablo ui badan kuwaasoo goobta ka bilaabi lahaa bannaanbax, isagoo rasaas dushooda ka riday, isla amrkaana dhowr jeer ku jeediyey Bistooladda isagoo handadaya, waxaana si weyn muuqaalkaasi loogu faafiyey baraha bulshada.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in ninkan uu ka mid yahay rag hubeysan oo dhar cad ah, kuwaasoo ay Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyihii Nabadsugida ku soo daayeen magaalada si ay u caburriyaan shacabka.

Ad

“Ninkaan xabadda ku ridaya dhalinyarada dibad baxaysa ciidankooda ayuu ka mid yahay. Haddii ay xabadeeyaan dibad bax nabadadeed maxaa diidaya in la iska difaaco?. Waa waajib wadani ah iyo mid Diini ah in Diktatoorka la iska qabto inta uusan xoogaysan ee uu tabarta yaryahay” yiri C/raxmaan C/shakuur oo ka fal celiyay dhacdadan.

HOOS KA DAAWO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON