Tuesday, June 24, 2025

Nin dhalinyaro ah oo lagu dilay Degmada Afgooye iyo faahfaahin kasoo baxeysa…

Wararka laga helayo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya halkaasi lagu dilay nin dhalinyaro ah oo kooxo hubeysan ay ku toogteen bartamaha magaalada Afgooye.

Ninkan ayaa magaciisa lagu sheegay C/salaan Maxamed Macalin, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyarrada sida weyn looga yaqaan Afgooye, waxaana la sheegay inuu muddooyinkii danbe la shaqeynayey maamulka degmada Afgooye. Wararka qaar ayaa sheeaya in ninkan ay dishay xaaskiisa.

Ciidamo amniga ayaa goobta uu dilka ka dhacay, waxaya wararku sheegeen inay meydka halkaasi ka qaadeen, iyadoo ay baxsadeen dableydii dilkiisa ka danbeysay, iyadoo aan lagu guuleysan in la qabto.

Afgooye ayaa ka mida magaalooyinka ay Alshabaab ka fuliso weerarrada qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, iyadoo ay ku sugan yihiin ciidamo fara badan oo kala ka socda dowlada Soomaaliya iyo AMSIOM.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON