Sunday, July 13, 2025

Nin Dhalinyaro ah oo lagu dilay Muqdisho iyo falalka Burcadda Hubeysan oo sii kordhay

Waxa magaalada Muqdisho xalay lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo koox hubeysan ay rasaas ku fureen xilli ay dhac u geysanayeen, degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Cabdinuur C/llaahi Warsame ayaa lagu weerarray xaafadiisa, waxayna dadka degaanka sheegeen in dabley hubeysan oo burcad ah ay toogteen marxuumka, iyagoo kaqaatat Mobile uu lahaa.

Kooxda dilka geysatay ayaa baxsatay, waxaana goobta dilku ka dhacay markii danbe tegay ciidamada amniga, iyadoo aan lagu guuleysan in la soo qabto.

Tacsida loo dirayo ninkan dhalinyarrada ah ayaa hareysay baraha bulshada, iyadoo dad badan ay qoyskiisa la qeybsadeen murugada tacsida marxuum Cabdinur Cabdullahi Warsame.

Falalka Burcadda hubeysan ka geysanaysa xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa sii kordhaya, xilli ciidamada Amniga aysan waxba ka qaban.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON