Nin dhalinyaro ah ayaa si lama filaan ah isku dilay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kadib bistoolad uu ku ciyaarayey markii ay rasaas ku fakatay.
Shilkan ayaa ka dhacay Xaafada Oktoober ee degmada Waaberi ayaa la sheegay in ninkan oo 25 sano jir ah uu ku ciyaarayey, keligiis Bistoolad uu lahaa Askari ka tirsan ciidamada Milateriga, iyadoo ay ku fakatay hal xabo oo rasaas ah oo ka haleeshay madaxa.
Marxuumka dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Maxamuud Cabdi, waxaana sidoo kale askariga Bistoolada lahaa lah sheegay Axmed Faarax Aadan, waxaan dhaawac ahaan xalauyloo geeyay isbitaalka Medina ee magaalada Muqdisho, isagoo u geeriyooday dhaawaca.
Falkan naxdinta leh ayaa si weyn looga hadal hayaa degmada Waaberi, waxayse dhacdada ku soo koobeen inay ahayd arrin qadar Alle ah oo u qorneyd wiilkala dhintay ee isagu gacantiisa isku dilay.