Waxaa Goor dhoweyd geeriyooday Mahad C/raxmaan Maxamuud oo ay caawa rasaas ku fureen askar ka tirsan ciidamada dowladda xilli uu ku usgnaa Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.
Ninkan ayaa dhaawac ahaan looga qaaday goobta, waxaana xaaladiisa oo ahayd mid culus lagula tacaalayey isbitaalka Digfeer, balse waxaa goor dhoweyd la xaqiijiyey inuu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray oo ahaa mid halis ah, iyadoo ay rasaasta ka haleeshay madaxa.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Allaha u naxariistee Mahad C/raxmaan oo ahaa nin dhalinyarro ah inuu ka tirsanaa ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Booliska ayaa gacanta ku dhigay askartii falkan geystay. Wasiirada cadaaladda xukuumadda Federaalka ayaa qoraal uu soo saray ku yiri: “Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la wadaagayaa in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen dadkii lagu tuhunsanaa iney geeysteen dilkii walaalaheena Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowdo Maxamuud Xuseen.Sidoo kale waxaa gacanta lagu soo dhigey qofkii dhibka u geystey walaalkeena Mahad Abdulrahman Mohamud”
Xalay ayey ahayd markii ay askar ka tirsan ciidamada dowladda rasaas ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa Isgoyska Dabka, iyagoo dilay laba qof oo walaalo ahaa, laguna kala magacaabi jiray Sowdo Maxamuud Xuseen iyo Sakariye Maxamuud Xuseen.
