Thursday, July 17, 2025

Nin Hooyadiis ku dilay Xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho oo gacanta lagu dhigay, kadib muran…

Dil naxdin leh ayaa ka dhacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, kadib markii nin uu hooyadiis Toorey ku dilay.

Ninka dilka geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabsiiye Caddaan, waxaana muran ku saabsan dhaxal dhex maray qoyska, taasoo keentay inuu Hooyadiis Tooreey ku dilo, wuxuuna dhaawacay laba wiil oo ay mid walaallo yihiin.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii ay hooyadiis u diiday inuu boos u iibiyo, kaasoo dhaxal ahaa, hooyada la dilay ayaa ahayd waayeel 70 sano jir ah. Dadka ehel la ah ayaas heegay in ninkan uu daroogeysnaa.

Ciidamada Anig aya goobta tegay, waxayna luga ka toogteen ninka falkan geystay markii uu diiday inuu dhigo Mindi uu watay, waxaana markaas kadib la dhigay isbitaal ka Keydsnaey, iyadoo ay gacanta ku hayaan ciidamada Booliska.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ninka dilka geystay uu isna ku geeriyooday isbitaalka, kadib dhaawicii kasoo gaaray rasaasta ciidamada Amniga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON