Sunday, June 22, 2025

Nin Itoobiyaan ah oo loogu xiray Mareykanka inuu Dalkiisa u basaasay Sir muhiim ah

Nin Itoobiya asalkiisu kasoo jeeda oo ah lasoo shaqeeyey Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Cadaaladda Mareykanka ayaa loo xiray inuu dalkiisa u basaasay xog sir ah iyo inuu dal ajnabi ah ka caawiyay inuu helo warbixin aad muhiim iyo sir u ah.

Ninkan ayaa lagu magacaabaa Abraham Teklu Lemma, waana 50 jir qaatay dhalashada Mareykanka. balse asal ahaan kasoo jeeda Itoobiya. Waxaa la shaaciya in la xiray 24-kii August 2023.

Waxaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan inuu sirta difaaca qaranka Maryekanka siiyey dowlad shisheeye oo ah dalkii uu ka yimid ee xiriirka qaraabo uu kau lahaa kaasoo ah itoobiya, sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda Mareykanka.

Ad

Dacwad dambiyeedka ka dhanka ah Lemma, oo degan magaalada Silver Spring ee gobolka Maryland, ayuu Wargeysta New York Times qoray inuuyahay Itoobiyaan.

Sida ku xusan dukumenti uu qoray dambe-baare ka tirsan FBI-da, Lemma ayaa dhaq-dhaqaaqyadiisa basaasnimo fuliyey intii u dhaxeysay December 2022 iyo August 2023, isaga oo kumanaan dollar oo kaash ah ku shubtay akoonada bankiyo ku yaalla aagga caasimadda Washington DC.

Lemma ayaa akhbaar sir culus ah ka min guuriyey daraasiin warbixino sirdoon ah oo yaalla Waaxda Arrimaha Dibedda, wuxuuna siiyey “sarkaal ku xiran sirdoonka dal shisheeye,” isaga oo ku diraya aalad la isugu diro fariimaha sirta ah.

- Advertisement -

Xogta ayaa waxaa ku jiray dukumentiyo, sawirro, qariidado iyo qoraallo xiriir la leh Dalka ay quseyso ee Itoobiya.Dokumentiga FBI-da ayaa soo xigtay farriimo la is-dhaafsaday September 2022, kuwaasi oo sarkaal ajnabi ah uu Lemma ku yiri “Waa xilligii aad sii wadi laheyd taageeradaada,” taasi oo Lemma uu kaga jawaabay inuu yiri “waan fahmay.”

“Xiriirada Lemma uu la sameeyay sarkaalka ajnabiga ah…waxaa ka mid ahaa in laga wada hadlay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee Jabhad ku lug laheyd dagaal hubaysan oo ka dhan ah dowladda dalka ay khuseyso-taasoo loo heysto inay tahay TPLF.

Labada dacwadood ee lagu soo oogay ninkan Itoobiyanka ah, waxaa wehliya dacwad kale oo ku saabsan inuu si sharci darro ah u haystay macluumaadka difaaca qaranka Mareykanka; wuxuuna ku muteysan karaa xukun dil ah oo kiis ah iyo kiiska kale oo ah 10 sano ah oo xabsi ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON