Friday, June 27, 2025

Nin ku hubeysan bistoolad oo lagu qabtay Magaalada Boosaaso

Ciidamada Booliska Puntland ayaa sheegay inay qabteen nin ku hubeysan Bistoolad oo looga shakisan yahay inuu falal amandarro ah ka waday magaalada Boosaaso, kana tirsan yahay Alshabab.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Taliyaha ciidamada Booliska ee Puntland Jeneraal Cabdirisaaq Afgaduud ayuu ku xheegay in ay gacanta ku dhigeen  nin hubeysanaa, waxaana lasoo bandhigay ninkan iyo Bistoolad uu ku hubeysanaa.

Saraakiisha ciidamada amaanka ee Puntland ayaa sheegay iney heegan buuxa ku jiraan ciidamada, isla markaana dhaqdhaqaaq kasta isha lagu hayo.

Ninkan hubeysan ayaa la sheegay  in baaritaan lagu hayo, loogana shakisan yahay inuu ka mid yahay kooxda Alshabaab.

Jeneraal Afgaduud ayaa balanqaaday in ay Sharciga  horkeeni doonaan cid kasta oo lagu helo dambiyo abaabulan, iyadoo ay hore u soo baxeen warar sheegaya in Alshabaab weeraro ka abaabuleyso degaaanada Puntland.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON