Wednesday, June 25, 2025

Nin la dhashay Aqoonyahan Caan ah oo ku dhintay Qaraxii magaalada Muqdisho

Wararkii ugu danbeeyay qaraxyadii mattaanaha ee ahaa ee galabta ka dhacay Isgoyska  Dabka ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu ku dhintay nin la dhashay Aqoonyahan caan ka ah magaalada Muqdisho.

Gaariga ku qarxay Isgoyska Dabka, agagaarka Daarta Colow ayaa la sheegay inuu watay wiil la dhashay Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo ka mida Aqoonyahandda sida weyn looga yaqaan magaalada Muqdisho, laguna Magacaabo Cumar Sheekh Caamir kaasoo la xaqiijiyey inuu ku dhintay Gaariga qarxay.

Prof. Yaxye ayaa saxafiyiinta u sheegay inuu walaalkii uu ku soo socday isaga oo ay is raaci rabeen laakiin qaraxa uu dhacay intii aanu soo gaarin, waxaana gaariga soo waxyeelo weyn, iyadoo loo adeegsaday waxyaabo qarax oo xoog badan.

Qarax kale oo ka dhacay agagaarka dabka oo daqiiqado u dhaxeysay ayaan qasaare weyn dhalin, waxaana la xiray jidka Maka Almukarama ee qaraxu ka dhacay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON