Nin lagu sheegay inuu isku qarxiyey xarunta degmada Howlwadaag aya beeniyey warar ay ka baahisay mid ka mida idaacadaha Muqdisho.
Axmed Kheyr Caddow oo la hadlay mid ka mida Idaacaddaha Muqdisho ayaa beeniyay inuu ahaa qofkii isku qarxiyay xarunta degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho maalintii 2-da bishan dhacay, waxaana ninkan uu hadda yahay taliye ku xigeenka Nabadsugidda degmada Howlwadaag sida uu sheegay.
Wuxuu intaas ku daray inuu la yaabay markii uu baraha bulshada ku arkay sawirkiisa oo algu sheegayo inuu yahay qofka is qarxiyay. “Waxaan la xiriiray maamulka Idaacadda warkan baahisay, waxaase la ii sheegay inaanan wax maamul ah joogin…” ayuuna yiri.
HOOS KA DHAGEYSO