Wednesday, June 25, 2025

Nin magaalada Burco ku dilay Haweeney ay wada socdeen iyo faahfaahin laga helay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeya haweeney xalay lagu dilay magaalada Burco oo meydkeeda la dhigay Isbitaalka guud Burco.

Marxuumad Ugbaad Cali Dhaban-loox oo ahayd hooyo heysata saddex caruur ah oo ninkeedii hore ay kala tageen ayaa la sheegay in nin ay sheeko wadaag ahaayeen, isku dayey inuu xoog ku kufsado, balse ay dagaal kala hortagtay, kadibna gacan-ka-hadal shex maray ay u geeriyootay.

Ninka falkan ku eedaysan ayey gacanta ku dhigeen ciidamada Booliska, waxaan socda baaritaanka kiiskan oo si weyn looga naxay, waxayna dadka asxaabta lahaa marxuumad Ugbaad ay sheegeen inay ahay Hooyo degan oo saddex Carruur ah dhashay, waxayna u direen tacsi.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka dilkeedu u dhacay, waxayna dadka degaanku sheegeen inuu madaxa ugu garaacay derbiga, kadibna ay isku duntay qeyb ka mida madaxa intii ay dagaalamayeen.

Ehelka haweeneyda ayaa sheegay in la kufsaday marxuuma Ugbaad, kadibna ninka falka geystay uu isagu sadhigga is-geeyay oo u sheegay dilka uu geystay, sidaana lagu xiray, waxaana baaritaan ku socdaa kiiskan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON