Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba ayaa sheegaya in isku soo xiray waxyaabaha qarax uu qarax ka geystay halkaasi.
Ninka isa soo miidaamiyay ayaa wararku sheegayaan inuu isku soo xiray Suun waxyaabaha qarxa ka buuxaan, kadibna uu ku qarxay Isgoyska Xaaji Jaamac ee magaalada Kismaayo.
Ninkan ayaa keligiis ku dhintay qaraxa, waxaana loo maleynayaa inuu ku socday Baar halkaasi ku yaala oo dad badan ku sugnaayeen laakiin ay farsamadii ka xumaatay isagoo qarxay intii uu ku sii socday.
Qasaaraha qaraxa ayaa ahaa ninka is miidaamiyaha ahaa kaliya oo jirkiisu goobta ku daatay, wuxuuna halkaasi ka abuuray xaalad cabsi ah.
Goobjooge.com