Isbaheysiga talada haya ee dalka Itoobiya ayaa u doortay Dr. Abiy Ahmed Ali inuu noqdo Hogaamiyaha Xisbiga EPDRF.
Ninkan ayaa lagu wadaa sida caadadda ahayd inuu noqdo Ra’iisal wasaraha Ethiopia, kadib markii xilkaasi dhowan iska casilay Ra’iisal Wasaarihii hore Ethiopia Haile Mariam Desilegn.
Dr. Abiy waa 44 sano jir, aqoonyahan haysta Shahaadda PHD Political sceince iyo Tech -nolijida, wuxuuna darajada ciidamada ka gaaray Korneyl, wuxuuuna noqon doonaa hoggaamiyiii ugu horeeyay ee Oromo kasoo jeda iyo muslim oo dalka Itoobiya hoggaamiya haddii ay dhacdo inuu noqdo ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya.
Doorashada Dr. Abiyayaa timid kadib markii dhowaan loo doortay hoggaamiyaha xisbiga OPDO ee Oromada.