Nin Soomaali ah oo ku hubeysan Toorey ayaa weerar ka geystay magaalada Melbourne ee dalka Australia, isagoo dhaawacay saddex qof oo midkood dhintay.
Ninkan oo ku qeylinayey “Alahu Akbar” ayaa weerarray dadkan oo ka dukaameysanayey jidka Bourke ee magaalada Melbourne, wuxuuna markii dambe dagaal la galay Booliska oo toogasho ku dilay, dhaawac culus oo kasoo gaaray xabadka iyo qeybta sare ee jirka ayuuna u dhintay.
Ninkan Soomaaliga ah ayey Booliska Australia sheegeen in isha lagu hayey isagoo ku jiray liiska dadka halista ah, waxaana la kansalay Baasaboorkiisa markii la ogaaday inuu ku xiran yahay kooxo argagixiso ah oo ka jira waqooyiga Afrika.
Ninkan Soomaaliya ah ee weerarka ka geystay magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa da’diisa lagu sheegay 31 sano jir, iyadoo magaciisa lagu soo koobay ASIO, wuxuuna dab qabadsiiyey Gaari uu watay.