Friday, June 27, 2025

Nin Walaalkii Toorey ku dilay Xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu fal dil ah ka dhex dhacay qoys ku nool Xaafada Kaawa-godey ee degmada Dharkeynley, magaalada Muqddsho.

Dilkan ayaa la sheegay inuu ka dhex hacay laba Nin oo walaalo ah, kaasoo ka danbeeyay  muran dhinaca dhaxalka ah oo u dhaxeeyay, waxaana dilka geystay labada walaallaha midka yar oo markii hore Toorey caloosha ka geliyey walaalkii, kadibna qoorta ka mariyey.

Ninka dilka geystay ayaa degdeg goobta uga baxsaday, waxaana markaas kadib halkaasi gaaray ciidamada amniga oo aan helin gacan-ku-dhiiglihii wallaalkiis dilay.

Falalka dilalka qoysaska dhexdooda ah ayaa ku soo badanaya Muqdisho iyadoo muddooyinkii ugu danbeeyay ay magaalada ka dhaceen ilaa 5 kiis oo rag wallaalo ah ay isku dileen arrimo muran dhul iyo dhaxal salka ku haya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON