Monday, July 14, 2025

Nin Ganacsade ah oo si bareer ah loogu dilay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo degaanka KM 13 ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay nin Ganacsade ahaa.

Dilka ayaa la sheegay inuu geysay askari ka tirsan ciidanka nabadsugida oo ilaalo u ahaa Taliyaha NISA ee degaanka Garasbaaley.

Ganacsadaha dilka loo geysay ayaa magaciisa lagu sheegay C/kariin C/qaadir Axmed, waxaana la sheegay inuu  muran dhex maray askariga markii danbe rasaasta ku furay, taasoo keentay inuu goobta ku geeriyoodo.

Askariga falka dilka ah geystay ayaa la sheegay inuu baxsaday, waxaana socda dadaallo lagu baadi goobayo.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON