Sunday, July 13, 2025

Ninkii ka danbeeyay Dhaawacii naxdinta lahaa & isku-day kufsi oo Garoowe lagu qabtay [Akhriso]

Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in la qabtay askari ka tirsan ciidamada Puntland oo fal naxdin leh kula kacay gabar ay wada socdeen.

Ciidamada Booliiska Puntland ayaa gacanta ku dhigay askarigan ah oo isku dayay inuu kufsado gabar lagu magacaabo Faa’iso Cabdi waa 16 jir ahayd ayna iska barteen baraha bulshada markii ay ugu tagtay magaalada Boosaaso oo uu ku sugnaa.

Askarigan ayaa isku daay inuu kufsado gabadha waxaana markii ay diiday u rasaas uga dhuftay xubinta taranka oo dhawac halis ah uu gaarsiiyay. Ninkan oo magaciisa lagu sheegay C/qaadir Warsame Ahmed (Sanka) ayaa falkan ku kacay  27 October 2017.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda cadaaladda Puntland ayaa  xaqiijiyay qabashada dembiilahan. waxayna sheegeen in Booliisku ay baaritaan ku wadaan, lana hor geyn doono Maxkamad.

Kiiska gabadhan ayaa soo shaac baxay kadib markii la geeyay magaalada Muqdisho oo la dhigay isbitaalka Digfeer ee Magaaladda Muqdisho. halkaasoo kiiskeeda uu ka hadlay aabaheed isla markaana si weyn loogu baahiyay baraha bulshada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON