Thursday, June 26, 2025

NISA oo Ciidamo iyo Gaari kala wareegtay La-taliyaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia

Ciidamada Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA ayaa la sheegay inay Gaari iyo ciidan ilaalo u ahaa la-taliyaha guddoomiyaha Baarlamanka oo hore u ahaa taliye ku xigeenkii NISA C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Wararaka ayaa sheegay in ciidamada NISA ay habeen labaad u dhacen xarun uu degan yahay taliye ku xigeenkii hore ee NISA  Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaano (Jaamac), iyadoo kala wareegay Gaari, isla markaana xabsiga u taxaabay ciidamo ilaa 7 askari ah oo ilaalo u ahaa kuwasoo uu hore u heystay.

Jaamac ayaa ah nin aad ugu dhow guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh, waxaana la sheegay inuu ka mid yahay xubnaha ugu weyn ee guddoomiyaha xiiligan la safan, qeybtana ka ah qorshaha mooshinka xil ka qaadista Madaxweyne Farmaajo.

Jaamac ayaa la sheegay inuu hadda ilaalo la’aan yahay, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in laga qaatay agab kale oo uu lahaa, ayna ka mid yihiin dokumentiyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON