Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliyeed ee NISA ayaa abaalmarin lacageed guddoonsiisay Muwaadin klas heegay inuu Hay’adda u sooogudbiyay xogta Qaraxyadii laga hortagay ee Beerta Nabadda
Ninkan ayaa xarunta hay’adda NISA lagu guddoonsiiyay lacag gaareysa 20-kun dollar, waxaana la keenay xafladii shalay ka dhacday xarunta Habar-Khadiija, halkaas oo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre uu ku guddoonsiiyay lacagtaasi.
Magaca Ninkan ayaa lagu sheegay Galbeed Xuseen Aadan, kaasoo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka usoo dusiyay xogta Qaraxyadii lala damacsanaa Beerta Nabadda oo ay siday Mooto Bajaaj ay ciidamada gacanta ku dhigeen.
Waa Abaalmarintii ugu horeysay ee toos ah oo Hay’adda NISA guddoonsiiso qof shacab ah oo la soo wadaagay arrimo amni oo xasaasi ah oo keenay in laga hortago Qaraxyo ka dhici lahaa caasimadda.