Wednesday, June 25, 2025

NISA oo shaacisay in la qabtay Xubno qorsheynayay Dilal khaarijin ah iyo shaqaale Shirkad Ganacsi oo..

Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka ee NISA, ayaa shaacisay inay gacanta ku soo dhigtay labo dabley ah oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo qorsheynayey inay falal khaarijin ah ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

Qoraal kooban oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho, laguna soo qabtay labada qof iyo hubkooda oo aha bistoolado iyo bambooyin lasoo bandhigay.

“Howgal ay Hay’adaha Amnigu kafuliyeen banaanka Muqdisho, waxay gacanta kusoo soo dhigeen laba dhagarqabe oo katirsan AS iyo hubkooda, iyagoo maleegayey dilal lagu beegsanayo shacabka. Waxaana qayb ka ahaa labo kale, oo shaqaale ka ah shirkad ganacsi” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Ma jirto wax faahfaahin oo laga bixiyey dadka la soo qabtay, magacyadooda iyo caddeymo kale, marka laga reebo bistooladaha lasoo bandhigay, iyadoo qoraalka lagu soo hadal qaaday shaqaale ka tirsan shirkad ganacsi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON