Monday, June 23, 2025

NISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Gaarigii ay wateen Dabley dilka ka geystay Muqdisho

War ay faafisay Hay’adda Nabadsugidda NISA ayaa lagu sheegay inay gacanta ku dhigtay Gaarigii weerarka dilalka ah ka fuliyay maanta magaalada Muqdisho.

Ciidanka Nabad Sugidda ayaa sheegay inay  xaafadda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan ku qabteen Gaarigii ay wateen Kooxdii dableyda ahayd ee Maanta Dilal iyo Dhaawaca ka geystay magaalada Muqdisho.

Sida u usheegay Saraakiil ka tirsan NISA waxaa la qabteen Gaariga isla markaana waxaa la baarayaa raggii watay oo la filayo inay ku dhuunteen xaafaddaasi.

Ma jirto faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca  gaariga, qaabka loo qabtay iyo raggii watay halkii ay ku dambeeyeem.

Koox wadatay Gaariga nooca raaxada ah ayaa maanta y degmada Hodan ku Dilay Afhayeenkii hore ee Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafeey, halka sidoo akle  Isgoyska Ceel-gaabta  ee degmada Xamarjajab lagu ku dhaawacay Taliye Kuxigeenkii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda Gen Xasan dheere, laguna dilay askari ilaalo u ahaa.

Marar badan ay NISA sheegtay inay qabatay gaari ay qaraxyo ka buuxaan oo dadkii waday aan dib danbe loo arag.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON