Thursday, June 26, 2025

NISA oo soo bandhigtay Qalab loo adeegsado Qaraxyada oo lagu soo qabtay Shabakad Alshabaab ka tirsan. [Daawo]

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya ee NISA ayaa soo bandhigtay qalabka laga sameeyo waxyaabaha qarxa oo la sheegay in lagu soo qabtay howlgalo qorsheysan oo ciidamda Amniga ka fuliyeen Muqdisho 26 ilaa 28 bishaan.

NISA ayaa seegtay in qalabkan lagu soo qabtey Shabakad Qaraxyada u qaabilsan Al-Shabaab, iyo maadooyinka qaraxyada laga sameeyo, waxayna NISA soo bandhigtay Muuqaal iyo Sawiro muujinaya qalabkaasi qaraxyada laga sameeyo.

Qoraalka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa lag sheegay in soo qabashada shabakadan ay sahashay wadashaqeynta shacabka iyo hay’adda NISA.

Ma jiro cid lasoo bandhigay oo ka tirsan Alshabaab, lamana sheegin goobta lagu soo qabtay qaraxyada iyo qalabka laga sameeyo.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON