Friday, June 27, 2025

NISA oo xabsiga dhigtay Tifaftire Wargeys, albaabadana u laabay xaruntii Wargeyska

Ciidamada Nabadsugidda NISA ayaa albaabada isugu dhuftay Xarunta Wargeyska Xog-ogaal ee magaalada Muqdisho iyadoo xabsiga dhigtay tifafrihii Wargeyskaasi.

Sida ay shaaciyay ururka Saxafiyiinta ee NUSOJ waxay canbaareeyeen xarig xalay loo geystay tifaftirihii Wargeyska Xogogaal Abdi Aden Guuleed, iyogoo sheegay in  xaruntii Wargeyska albaabada loo laabay.

Sida uu sheegay maamulaha Wargeyska Maxamed Maxamud Aaden ciidamo ka tirsan NISA ayaa galay xafiiska Wargeyska ayna qaateen qalab, kadibna xabsiga u taxaabeen Tifaftiraha.

Wuxuu intaas ku daray inaysan ogeyn sababta loo xiray wargeyska iyo tifaftirahiisa. NUSOJ ayaa dowladda Soomaaliya ka codsatay inay si degdeg ah u sii daayaan tifaftiraha Xogogaal, dibna loo furo wargeyska.

Xoghayaha NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa ugu baaqay dowladda inay dhowrto sharciga iyo xoriyadda saxaafadda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON