Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox dabley ah ay saaka toogasho ku dileen oday waayeel ah.
Dilkan ayaa ka dhacay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel u dhow Saldhigga degmada Dharkeynley.
Odayga toogashada lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Axmed Saacid. dableyda dilka geysatay ayaa ka baxsatay goobta.
Dilka odaygan waayeelka ah ayaa ka yaabiyay dadka degaankaasi, iyadoo ay ahayd arrin ku cusub in la beegsado oday waayeel ah.
Magaalada Muqdisho waxaa si xowli ah uga socda falalka khaarijinta iyo qaraxyada oo sii kordhay tan iyo inti uu xilka la wareegay madaxweynaha cusub Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Goobjooge.com