Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in oday ka mida ergadii soo dooratay Baarlamaanka Soomaaliya lagu dilay gurigiisa oo ku yalla magaalada Garbahaarey.
Ninkan oo lagu magacaabo Xasan Codey Julaas oo caan ka ahaa gobolkaayaa Xalay lagu dhex dilay hoygiisa oo ku yaalla deegaanka Far-Leysaan ee duleedka Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, halkaasoo ay ku weerareen laba nin oo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaaso watay Mooto.
Dadka degaanka ayaa sheegay in dilka kadib ay goobtaasi ka baxadeen raggii falka dilka ah geystay,mana jirin cid ka hortagtay ma goobtaasi gaartay falka kadib.
Xasan waxa uu ka mid ahaa Ergadii Jubbaland ee Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ku soo dooratay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.