Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa magaalada lagu dila oday nabadoon ah oo ka mid ahaa ergadii ka qeyb gashay doorashada Xildhibaanada.
Koox ku hubeysan bistoolado ayaa kadib salaadii Maqrib waxay toogasho ku dileen nabadoon lagu magacabi jiray Bashiir Xagaleey oo ku sugnaa Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta khudaarta.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada H/wadaag ayaa gaareen goobta lagu dilay Marxuum Xagaleey oo meydkiisa la sheegay inuu halkaasi yaalay muddo badan intii aan markii danbe laga qaadin.
Labo nin oo dhlalinyaro ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Nabadoonka, iyadoo dalkaasi kadib ka baxsaday goobta.
Goobjooge.com