Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in laba oday lagu dilay suuqa ugu weyn caasimadda ee bakaaraha.
Dilka odayaasha ayaa waxaa geystay Koox ku hubeysan Bistoolado oo weerar ku qaaday labada doday ee ku sugnaa gudaha suuqa, waxaana magacyadooda lagu sheegay Axmed Muxumud Aadan & Axmed Sheekh Cabdullaahi Fiqi Cumar.
Dableyda dilka u geysatay odayaashan ayaa goobta ka baxsaday, waxayna wararku sheegayaan inay kasoo jeedaan degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug oo hoos taga maamulka Galmudug, iyadoo dilkooda lagu eedeeyay Alshabaab.
Waa dilkii laabad ee maanta ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo Isgoyska Korontada ee degmada Wadajir lagu dilay askari.
