Odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan qaarkood ayaa ka hor yimid shirka maamul u sameynta gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan oo lagu dhawaaqay in dib loo furayo sabtida
Shir ay maanta isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka Hiiraan ee uu hogaamiyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka kooban saddex Ugaas, waxayna ku baaqeen in la joojiyo shirkaasi, iyagoo ka digay in shirkaasi keeno doono in xaaladda ay ka sii darto.
Odayaasha maanta ku shiray magaalada Beledweyne oo ka kooban saddex Ugaas ayaa IGAD ugu baaqay inay faraha kala baxdo arrimaha gobolka Hiiraan.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa sheegay in shirka Jowhar aanu socon doonin, mas’uuliyadda shirkaasi ay yeelan doonto IGAD, isagoo intaas ku daray in dagaal qabiil dib loo soo nooleeyo.
Shalay ayay ahayd markii ay dowladda Soomaaliya iyo IGAD Muqdisho uga dhawaaqeen in shirka Jowhar uu dib u furmayo 3-da Bishan.
Goobjooge.com