Tuesday, July 15, 2025

Odayaasha Dhaqanka K/Galbeed oo ka hor yimid Doorasho ka dhacda Magaalada Baydhaba

Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Baydhaba, iyadoo dalbaday in la sii daayo Mukhtaar Roobow Cali oo ciidamada Itoobiya ka qabteen magaalada Baydhaba, una gacan geliyeen dowladda Soomaaliya.

Odayasha ayaa dowladda Somalia ka dalbaday inay si shuruud la’aan ah u  sii deyso Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, waxayna sheegeen inay sii socon doonaan banaanbaxyadda ka socda Magaalada Baydhabo inta laga sii deynayo Mukhtaar Roobow.

Odayaasha ayaa ka hor yimid Doorshada madaxweyaha maamulka K/Galbeed, iyagoo sheegay inaysan Doorasho ka dhicin karin 19-ka Bishan Disembar Magaalada Baydhabo, waxayna ka digeen in doorasho jujuub ah oo ka dhacda Baydhaba wixii dhibaato ah ee ka yimaadda ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto dowladda Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON