Odayaasha Gobolka Hiiraan ayaa qaadacay qaabka doorashada 2016 u socoto, iyagoo ka digay dadkii noqon lahaa xildhibaanada in dowladda Federaalka ee Xasan Sheekh ay ku qoraneyso magaalada Muqdisho.
Shir jaraa’id oo ay Magaalada Beledweyne manta ku qabteen qaar ka mida Duubabka dhaqanka Beelaha Hiiraan ayay si weyn uga hor yimaadeen qorshe ay sheegeen in lagu doonayo in la isaga hor keeno beelaha oo dowladda Federaalku wado.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa sheegay inaysan aqbali doonin, wax ka quseeyana aysan jirin arrimaha ka socda magaalada Muqdisho, wuxuuna ka digay in dagaal laga dhex abuuro beelaha dhexdooda.
Ugaaska ayaa sheegay inay la balansan yihiin IGAD maalinta Axadda oo ay kala hadli doonaan rabitaankooda iyo sida ay wax u doonayaan.
SAWIRRO
Goobjooge.com