Odayaashii Beesha reer Xaaji Saleebaan ee H/Gidir ee tegay Degmada Xarardheere, heshiisna la galay Alshabaab ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii ay ku tageen degaanada Al-shabaab iyo sababtii keentay.
Odayaashan ayaa shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado, waxayna si cad u sheegeen inay Alshabaab ugu tageen dad ka xirnaa iyo dibaatooyin kala dhaxeeyay, ayna kusoo guuleysteen
Nabaddoon Cumar Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in warar badan laga sheegay, balse aysan ogeyn wax denbi ah oo ay galeen. “Dowlad uma shaqeyno, sarkaal iyo mas’uul kale ma ahin, sidoo kale Shabaab uma shaqeyno, laakiin waxaan u qasbanahay dadweyne, meeshii ay wax ka galaan ayaan ugu tagnaa danta dadkeena oon shaqaale u nahay..” ayuu yiri nabadoonka.
Nabaddoonka ayaa caddeeyay in dhibaatadii jirtay, sida dadkii Beesha ka xirnaa ay ku baxeen, ayna ogol yihiin in lagu qaado haddii ay eed galeen oo aan loo baahneyn aflagaado iyo eedeyn, ayna ku tahay gardarro.
Nabaddoon Sugaal Warsame Cali ayaa iska sheegay inay Alshabaab ka doodeen dad gaaraya 67 qof oo ay ka heysteen, ayna kasoo heleen saddex qodob oo ay. u aadeen oo kala ah: Sii deynta dadkii ay xireen, in gaadiidka xayiran la fasaxo iyo in la nabadgeliyo, loona ogolaado dhaqdhaqaaqooda.
–Halkan ka Akhriso: Heshiiska ay Alshabaab shaacisay ee Beesha Saleebaan la gashay
Nabaddoon Sugaal Warsame Cali ayaa isna sheegay inay Alshabaab ka doodeen dadkii ka xirnaa oo 70 qof ahaa, ayna dhibtay inay dooni waayeen 70 nin oo Saleebaan ah oo xaqdarro lagu heysatay, isla markaana ay ka haleen wixii ay ugu tageen Alshabaab.
“Alshabaab waxay naga aqbaleen in dadkii xirnaa soo daayaan, Ganacsigii la furo iyo in la joojiyo dadkii la beegsanayey ee Beesha Saleebaan Soomaaliya oo dhan.. Nin u taga oo Saleebaan ah waa la waayey oo weydiiya nimankaasi, waanan ku talogalnay inaad nimankaas heshaan, aan soo weyno ama in nagula daro” ayuu yiir Nabaddoon Sugaal.
Odayaasha ka yimid Alshabaab ee Beesha Saleebeen ayaa caddeeyay inay diyaar u yihiin inay ka jid baxaan wixii eed ah ee loo heysto, kamana hadlin heshiiska Alshabaab shaaciyey ee ah inaysan Beesha ka baxdo dagaalka lagula jiro Alshabaab iyo waxa ay Alshabaab uga bedesheen heshiiska.
Maamulka Galmudug ayaa hore u sheegay in odayaasha aaday Alshabaab lasoo xiro haddii ay degaanadooda yimaadaan, lamana oga sida ay arrintan u wajihi doonaan.
