Monday, January 30, 2023

Odayaashii Beesha Saleebaan ee u tegay Alshabaab oo la xiray iyo Xaalad ka dhalatay..

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in la xiray odayaashii Beesha Saleebaan ee dhowaan u tegay Alshabaab, heshiiskana la saxiixday.

Ciidamada NISA ee Galmudug ayaala sheegay inay qabteen Odayaashaasi markii ay shir jaraa’id ku qabteen magaalada Cadaado, iyadoo iska difaacay eedaha loo jeediyay oo ah inay la macaamileen Alshabaab, iyadoo caddeeyay inay dadkooda soo badbaadiyeen. (Halkan ka Akhriso)

Xaaladda odayaashan ayaa dood ka dhex dhalisay siyaasiyinta, maamulka Galmudug iyo waxgaradka Beesha ay kasoo jeedaan, waxaana amar lagu bixiyay in la xiro, balse qaar ka mida madaxda dowladda Federaalka ee Beesha ayaa taageeray odayaasha la macaamilay Alshabaab.

Ad

“Khawaarij iyo Khawaarij kalkaal go’aan dawladeed ayaa ka meel yaalla kaas ayaana lagu dhaqayaa” ayuu qoraal uu soo saray ku yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta xukuumadda Federaalka oo taageeray tallaabo laga qaado odayaasha Beesha.

Xaaladda odayaashan iyo waxa laga yeelayo ayey ku kala qeybsan tahay Beesha ay kasoo jeedaan, waxaana xarigooda la filayaa inuu noqdo kiis adag oo horyaalla Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo maanta Muqdisho tegay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,970FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,970FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!