Waxaa maalmahan Baraha bulshada hareeyay olole siyaasadeed oo ka dhan ah xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, kaasoo hadda isu bedeshay mid bulsho oo ku saabsan haweeney sheegtay inay dhaxdo.
Haweeney weriye ah oo lagu magacaabo Mushtaaq Cabdi Naano ayaa shaacisay inay is qabaan Barkhad Batuun ayna isu leeyihiin ilo dhowr bilood jira, iyadoo miirkeedu taam yahayna ay is guursadeen, waxayna dadka ugu baqday inay arrintooda faraha kala baxaan.
“Aniga oo miyirkayga iyo maankayga qaba ayaan guursaday xildhibaan Barkhad Batuun, waxaanan u sheegayaa dadkan iska hadlaya Barkhad Batuun anaa doortay oo jecel” ayey tiri Marwo Mushtaaq Cabdi Naano.
Dhinaca kale waxaa maanta saxafadda la hadlay nin lagu magacaabo Mustafe Cismaan Cali oo sheegay inuu yahay Mushtaaq adeerkeed, maadaama uu aabaheed dhintayna uu isagu mas’uul ka yahay, wuxuuna ku dooday inuu fara-xumeeyay Barkhad Batuun, si sharci ahna aanu ku heysan gabadhooda.
Wuxuu sheegay inay in muddo ah gacantooda ku jirin gabadhooda Mushtaaq ilaa markii ay xabsiga kasoo daayeen, iyadoo lo oxiray ilmo ay dhashay oo ay tuurtay, wuxuuna intaas ku daray in ‘Barkhad’ uu heysto.
“Ninkaas inankii ilaa hadda gacantiisa ayaey ku jirtaa, meshii uu geeyana isagaa og.. Sifo sharci darro ah ayuu ku heystaa inanteena, sharciga iyo qaanuunka waa ku dembi, waxaana uga fadhinaa sharciga” ayuu yiri Musfate Cusmaan.
Dagaalka siyaasdeed ee xisbiyada Waddani iyo Kulmiye ayaa hadda u gudbay arrimo bulsho iyo Qoys oo xaaladda ka dhigeysa mid faraha ka baxda.
